Home Wararka Maanta Abwaan Geesi oo Geeriyooday iyo Xanuunka uu ugeeriyooday oo la Shaaciyay

Abwaan Geesi oo Geeriyooday iyo Xanuunka uu ugeeriyooday oo la Shaaciyay

0

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday abwaan Cumar Cabdiwaaxid Aadan (abwaan Geesi).

Abwaan Geesi ayaa muddo toddobaad ah ku jiray isbitaal, isagoo u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ah oo uu in muddo ah la xanuunsanaa, sida uu BBC-da u xaqiijiyay abwaan Cabdishukri Maxamed oo ay marxuumka qaraabo ahaayeen isla markaana ay isla shaqeyn jireen.

Abwaan Geesi ayaa ahaa abwaan iyo jilaa aad loogu yaqaanno ruwaayadaha. Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa qeybo ka mid ah Soomaaliya, labadii bilood ee ugu dambeysay ayuuna ku soo laabtay Nairobi oo hore uu ugu noolaa.

Wuxuu marxuumka dunida uga tegay afar carruur ah.

Ad
Previous articleCiidamo ka Tirsan Mawisleey oo Cusub lana Dagalaamaaya Alshabaab oo lasoo Bandhigay(Sawiro)
Next articleWeerarkii Villa Rays oo gilgilay quluubta Soomaalida Birmingham

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here