Home Wararka Maanta Weerarkii Hotel Xayaat oo ugu Danbayn Lasoo Afjaray

Weerarkii Hotel Xayaat oo ugu Danbayn Lasoo Afjaray

0

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo afjartay weerarkii ay kooxaha Argagixiso kuqaadeen mid kamid ah Hotelada caasumada dalka ee Muqdisho, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 20 qof oo iskugu jira qeybaha bulshada iyo Ciidamada dawladda.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in howlgalkan uu qaatay wax ka badan 30-saacadood oo xariir ah, iyadoo ay kooxaha Argagixisadu qeybaha Hotelka kageysteen ficilo arxan-daran, iyadoo yoolkoodu yahay gumaadka bulshada.

Al Shabaab ayaa xalay sheegtay in qaar kamid ah kooxdii weerarka geysatay ay ka laabteen dhismahan, taas oo ay su’aalo badan kadhasheen, waxaana kahor shaacinta warkoodan goobta dagaalka tagay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, xiligaas oo ay soo baxeen macluumaad cadeynayay in ciidanka dawladda ay baneeyeen gudaha Hotelka qeybaha ay kajoogeen si loo dumiyo dhismahaba.

Dawladdu ma bixin Faahfaahin dheeraad ah oo kuwajahan Ficilkan Argagixiso, iyadoo laamaha Amnigu diideen in ay jawaab kadhiibaan kooxdii weerarka soo qaaday in ladilay iyo In kale.

Ad
Previous articleGabadha nin lagu tilmaamay maskaxda Putin oo si la yaab leh loo dilay
Next articleWeriye ayaa Goor dhaw Lagu dhaawacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here