Home Wararka Caalamka Gabadha nin lagu tilmaamay maskaxda Putin oo si la yaab leh loo...

Gabadha nin lagu tilmaamay maskaxda Putin oo si la yaab leh loo dilay

0

Gabar uu dhalay nin ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay inay geeriyootay kaddib markii uu qarxay gaarigeeda xilli ay mareysay meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Moscow.

Ma cadda in aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo Alexander Dugin, loona yaqaano maskaxda Putin, in isaga loogu talagalay weerarka.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee dalkaas, Mr Dugin iyo gabadhiisa ayaa qorshuhu uu ahaa in gaarigaas la qarxiyay ay wada raacaan, oo ay si wada jir ah uga qeybgalaan xaflad, kahor inta uusan Dugin go’aansan inuu ka haro gabadhiisa daqiiqaddii ugu danbeysay.

Muuqaal lagu soo wadaagay barta Telegram oo aan la ogeyn in uu sax yahay iyo in kale, ayaa Mr Dugin oo ku sugan qeybta adeegga deg degga ah uu u muuqday qof argagaxsan, kadib markii uu arkay sida uu u gubtay gaariga lagu weeraray gabadhiisa

Warbaahunta ayaan si madax bannaan u xaqiijin karin muuqaalkan sax ahaanshihiisa. Waxaana illaa iyo hadda aan wax war ah oo ku saabsan arintan laga heynin mas’uuliyiinta Ruushka.

In kastoo gabadhan la dilay aanu xil rasmi ah ka haynin dowladda, haddana aabaheed waxa uu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha Ruushka.

Horraantii sanadkan, ayaa waxaa cunaqabatayn ku soo rogay mas’uuliyiinta UK oo ku eedeeyay 30-jirkan inay internetka uu ku baahisay “warbixin been abuur ah” oo la xiriirta duulaanka Ruushka ee Ukraine

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo Si adag u Canbaaraysay Weerarkii Hotel Xayaat
Next articleWeerarkii Hotel Xayaat oo ugu Danbayn Lasoo Afjaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here