Home Wararka Maanta Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Isbitaalka yaalla Caasimada Kabul

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Isbitaalka yaalla Caasimada Kabul

0

Ku dhowaad 30 qof ayaa la soo sheegaya inay ku dhinteen weerrar lagu qaaday isbitaal milateri oo ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Weerarkaasi waxa uu ku bilowdo laba qarax oo waa wayn. Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay in qaraxa hore uu ka dhacay albaabka laga soo galo isbitaalka, midka labaadna uu ka dhacay meel aanan halkaasi sidaasi uga fogayn.

Shaqaalaha ayaa sheegay in gudaha isbitaalka uu ka soconayo dagaal culus ayna ciidamada Taliban la dagaalamayaan rag hubeysan oo gudaha u galay.

Kalkaaliso ayaa sheegtay in dadka weerrarka soo qaaday ay tooganayeen cidkasta ee ay arkaan.

Ad
Previous articleLabadii Xubnood ee ugu Horeeyay Barlamaanka oo maanta la doortay
Next articleDalalka Faransiiska iyo Ingariiska oo ka hadlay Khilaafka ka jira Dhexdooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here