Home Wararka Somaliya Labadii Xubnood ee ugu Horeeyay Barlamaanka oo maanta la doortay

Labadii Xubnood ee ugu Horeeyay Barlamaanka oo maanta la doortay

0

Xerada Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhacday doorashada labadii kursi ee ugu horreeysay ee Golaha Shacabka,  kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan  Somaliland.

Labada kursi ee tirsigoodu yahay HOP239 iyo HOP237ayaa waxaa ku tartamay Afar Musharax oo mid kamid ah uu horay ugu fadhiyay kusiga Golaha Shacabka & Saddex musharax oo ku cusbaa, iyada oo ay codeeynayeen 101 Ergo oo la soo xulay.

Kurisgii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) & Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, waxaana 97 cod ku guuleystay Mahdi Maxamed Guuleed halka Mushtaaq Ibraahim Yuusuf oo la tartantay ay heshay Saddex Cod.

Kursiga labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamay laba xubnood oo kala ahaa Biixi Iimaan Cige oo horay ugu fadhiyay & Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil , waxaana kursiga markale ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo helay 91  Cod  halka  Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil  uu helay 9 Cod, waxaana halaabay hal Cod.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in guddiga maamulaya doorashada kuraasta Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ee Somaliland inay dhameystiraan inta ka harsan kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Ad
Previous articleDhuusomareeb oo lagu soo Dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Militariga
Next articleWeerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Isbitaalka yaalla Caasimada Kabul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here