Home Wararka Maanta Waxay isku calfan waayeen yaraantoodii balse 31 sano ka dib ayay si...

Waxay isku calfan waayeen yaraantoodii balse 31 sano ka dib ayay si la yaab leh isku heleen

0

Lamaane dib u laba unkay jaceylkoodii qabyoobay 31 sano ka hor, oo aqal galay si ay mar kale u wadaagaan noloshii ay doonayeen.

Kate Pymm oo ka soo jeedda magaalada Guisborough ee dalka Ingiriiska iyo Guenther Baer oo u dhashay Jarmalka waxay ahaayeen 17 iyo 23 jir markii ay kulmeen iyagoo dalxiis ku jooga Devon sannadkii 1989kii.

Waxa ay isu qori jireen warqado jacayl muddo afar sano ah, balse xidhiidhkaas ayaa lumay, waxaanu midkood walba geeska ka raacay noloshiisa, iyadoo labadooduba ay galeen guur ku dhammaan doona furriin.

Balse fursad kasoo baxday waraaqahoodii oo la helay ayaa hor seedday inay mar kale xiriirkoodii soo celiyaan dibna u laba unkaan jaceylkoodii.

Kate waxay booqasho ku tagtay Koonfurta Galbeed ee dalka Ingiriiska iyada iyo hooyadeed iyo saaxiibkeeda ugu dhowaa sannadku markuu ahaa 1989-kii.

Iyagoo dib u xasuusanaya kulankoodii ugu horeeyay, Kate, oo hadda 50 jir ah, ayaa tiri: “Waan xusuustaa aniga iyo hooyaday waxaan u tagnay cunta fudud oo aan ka cunno tuuladan quruxda badan, waxaan galnay baarka, waxaana arkay ninkan quruxda badan.”

Guenther, oo hadda 57 jir ah, ayaa xilligaas safar ku joogay dalka Ingiriiska si uu u horumariyo xirfaddiisa luqadda.

Kadib markii uu ula ekaaday Magne Furuholmen oo ka tirsanaa kooxihii muusiga ee 1980-meeyadii ee ‘A-ha’ la odhan jiray, waxay u bilowday sheeko waxayna ku ballameen inay mar kale kulmaan maalin ka dib.

“Waan wada sheekaysanay oo waanu is fahannay laakiin waxa aanu haysanay maalin iyo badh ka hor inta aanan dib ugu laaban guryaheena,” ayay tidhi.

Waxay is weydaarsadeen ciwaannada guryahooda waxayna halkaas kasii wadeen xiriirkooda muddo laba sano ah, iyaga oo dhambaallo isu diraya, wicitaan taleefan oo ”qaali ah” iyo booqasho mararka qaar ah.

Balse Kate ayaa go’aansatay in Jaceylka aan la isla nooleyn uu yahay mid adag in la hanto waxayna xiriirkaas soo af jartay sannadkii 1991-kii.

”aad ayuu u adkaaday, qalbi jab ayuu noqday, labadayaduba waan is jeclayn balse nasiib darro aniga ayaa ku dhawaaqay soo af jaridda xiriirkayaga. Iima muuqan qaab aan kusii wadi karnay,” ayey tiri Kate.

Waxayse sii wadeen inay waraaqaha isasii weydaarsadaan tan iyo 1993-kii markaas oo ahayd waqtigii uu ku ekaaday xiriirkoodu.

Guenther wuu guursaday wuxuuna dhalay saddex caruur ah, halka Kate ay bilowday ganacsi is qurxinta. Labadooduba lamaane kale ayey guursadeen, balse furrin ayuu ku dambeeyay.

Intaas ka dib, sannadkii 2020, badhtamaha bandoogii labaad ee covid19 lagusoo rogay dalka Ingiriiska, calfka ayaa mar kale soo booqday.

Mar ay raadinaysay sharraxaadda iyo qurxinta guriga ciiddii masiiciga, ayey Kate qoftay sanduuqeeda ay ku jireen dhambaallada jaceylkeedii hore usoo diri jiray. Dhammaantood way haysay.

“Waxay ku jireen sanduuqii ugu horreeyay ee aan helo,” ayay tidhi. “Waraaqihii waan la soo baxay, qolkii hurdada ayaan u dhaqaaqay, dhammaantoodna waan habeeyey anigoo isugu addiyey siday u kala taariikhaysnaayeen, hor iyo gadaal ayaan uga akhriyey.

“Runtii waxa ay ahayd toddobaad dhamaad qiiro leh waxaanu iisoo celiyay xasuus.”

Dhowrka toddobaad ee soo socda, Kate waxay ku qaadatay maalin kasta inay ka fikirto Guenther. Waxayna ka war haynin in siddeeddii sano ee u dambeysay uu asna ka fikirayey iyada.

Kate waxa ay go’aansatay in ay hesho ciwaanka Guenther waxayna u qortay waraaq, balse waxa ay qirtay “in ay muddo qaadatay in ay hesho isaga” sababtoo ah “ma uu isticmaalo baraha bulshada”.

“Maalintii aan helay warqadeeda, aad baan u amakaagay, isla markii aan helay warqada waxay noqotay inaan taleefoonka qabsado oo aan waco, runtii kedis ayey igu noqotay aad ayaana ugu farxay” ayuu yiri Guenther.

Lamaanaha ayaa ugu dambeyntii kulmay bishii Janaayo sannadkii 2021 ka dib markii ay wada hadlayeen maalin kasta tan iyo markii la soo wacay taleefankaas, oo Kate si cad u xasuusato in uu waqtigu ahaa 12:36 ee 22 -ka bishii Noofambar ee sannadkaas.

Waxay tiri: “Dhab ahaantii waan jeclaa isaga, waxay ahayd wax aan caadi ahayn, waxay ahayd mid dabiici ah waxaanan doonayay inaan u sheego inaan jeclahay isaga.”

Waxay ku aqal galeen gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka bishii Diseembar ee 2021.

Toddobaadkan, Kate waxay isku diyaarinaysaa inay ka tagto Teesside si ay ugu dambeyntii nolosheeda ula bilowdo Guenther oo Jarmalka deggan.

Guenther wuxuu yiri: “Waa inaan sheego inaanan si aan uga mahad celiyo waxa samaysay, oo ah in ay warqad ii soo qorto.”

Waxay tiri: “Qeyb iga mid ah waxaad inay sugaysay 31 sano, laakiin sidoo kale waxaa jiray waxyaabo badan oo nolosha aan kasoo marnay wakhtigaas, labadeennaba waxaan qaadannay nolosheenna, Guenther wuxuu helay saddex caruur ah, aniguna waxaan sameystay ganacsi weyn.

“Waxay ahayd mid adag, laakiin marka ay sax tahay, waa sax, waana ogahay inay sax tahay.”

Ad
Previous articleGolaha Aqalka Sare oo meel mariyay Sharciga Hay’adda NISA iyo Taliye Mahad Salaad oo ka hadlay
Next articleDuuliye ka booday diyaarad burburtay oo ka hadlay oo si layaab ku badbaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here