Home Wararka Maanta Duuliye ka booday diyaarad burburtay oo ka hadlay oo si layaab...

Duuliye ka booday diyaarad burburtay oo ka hadlay oo si layaab ku badbaaday

0

Duuliyaha diyaarad dagaal oo ay leeyihiin militeriga Britain – oo burburtay ka dib markii ay ka duushay Markab – ayaa ka hadlay sida uu u farxay markii ay u suurtagashay in uu ka boodo diyaaradda oo nooceedu ahaa F-35.

Diyaaraddan oo ka mid ah kuwa casriga ah ayaa ku fadhisa qiime lacageed oo dhan £100 milyan oo gini.

Hadal uu jeediyay wax yar ka dib markii shilkan dhacay bishii November ee sanadkii 2021 ayuu duuliyahan oo loo yaqaan Hux sheegay in uu heystay dhowr ilbiriqsi oo keliya si uu u qaado tallaabo uu ku badbaado.

Baaritaan rasmi ah oo lagu sameeyay dhacdadaas ayaa lagu ogaaday in burburka diyaaradda ay sababtay cillad koronto oo ku timid marka ay duuleysay.

Sheekada duuliyahan waxa ay ku jirtaa musalsalka BBC-da ee lagu magacaabo ” The Warship: Tour of Duty.”

Barnaamijka dukumintariga ah ayaa sidoo kale shaaca looga qaaday sida ay markabka Boqortooyada ee lagu magacaabo HMS Queen Elizabeth u dhibaateeyeen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo sida uu dhuumaaleysi ula ciyaaray ciidamada badda ee Shiinaha.

Duuliyaha diyaaradda militeriga ayaa shaqaalihii filimka duubayay la hadlay wax yar ka dib markii lasoo badbaadiyay, isagoo ay ka muuqdeen dhaawacyadii kasoo gaaray ka boodista diyaaradda oo uu xawaaraheedu aad u sarreeyay.

Waxa uu ka warramay sida ay diyaaraddu lama filaan ugu tabar beeshay: “Waxaan isku dayay inaan helo koronto degdeg ah – taas iima shaqeyn, ka dib waxaan isku dayay inaan istaajiyo – taasna iima shaqeyn… sidaas darteed waxaan dareemay in ay ka dhici rabto markabka.”

Hux noloshiisa waxaa badbaadiyay kursiga u uku fadhiyay oo loogu talogalay in uu diyaaradda ka baxo marka uu duuliyaha taabto.

Waxa uu farsamadan ku tilmaamay tan ugu casrisan adduunka. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aad u nasiib badnaa.

Marka uu dallaayadda furtay ayuu sida uu sheegay hoostiisa ka arkay biyaha baddaKa dib waxaan ilbiriqsi ka dib arkay waddada diyaaraduhu ku cararaan ee markabka oo hoosteyda ah,” ayuu yiri.

Waxaa u suurtagashay in uu ku soo dago meel markabka qarkiisa ah, halkaas oo laga jiiday durbadiiba.

Haddii uusan ku degi lahayn markabka dushiisa waxa uu halis ugu jiray in uu hoos galo markabkan dagaal ee culeyskiisu yahay 65,000 oo tan

Chris Terrill, oo duubay filimka dukumintariga ah ayaa sheegay in burburka diyaaradda F-35 “lama filaan ku noqday qof walba” balse jawaabta ay bixiyeen dadka saarnaa markabka ay ahayd “mid deg deg u ahayd qeyrul-caadi ah”.

“Diyaarad ayaa la waayay balse waxaa badbaaday duuliye, oo ay Khasab ahayd in la badbaadiyo,” ayuu yiri.

Muuqaal lasoo dusiyay oo ay qabatay kaamirada ku xiran markabka ayaa laga arkay diyaaradda F-35 oo ku sii dhaceysa badda.

Baraha bulshada ayaa xilligaas si weyn loogu faafiyay muuqaalka ku saabsanaa burburka diyaaradda oo sidoo kale laga arkayay duuliyaha markii uu boodayay.

F-35 oo ah diyaarad ay sameysay shirkadda Mareykanka ah ee Lockheed Martin waxay UK ka heysataa nooca B waxaana ka howlgala duuliyeyaal ka tirsan ciidanka cirka ee boqortooyada iyo ciidanka badda ee boqortooyada, kuwaasoo saldhig ku leh xarunta RAF Marham ee ku taalla Norfolk.

Diyaaraddan waa tan ugu qaalisan uguna casrisan ee ay leeyihiin militariga Britain. Waa diyaarado u cago dhigan kara si dhinac dhinac ah oo aan toos ahayn waxayna leeyihiin xawaare aad u dheereeya iyo qalabka raadaarka oo tiknoolojiyad sare ku shaqeeya.

Diyaaradaha uu xambaarsan yahay markabka HMS Queen Elizabeth waxa ay horay uga qayb qaateen howlgallo ka dhacay waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Ad
Previous articleWaxay isku calfan waayeen yaraantoodii balse 31 sano ka dib ayay si la yaab leh isku heleen
Next articleArdey macalimaddiisa ku dilay tooreey Xili uu Xiisad Bixinaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here