Home Wararka Somaliya Wasiirka jamaal oo u jawaabay Xildhibaan UK aqoonsiga Soomaaliland

Wasiirka jamaal oo u jawaabay Xildhibaan UK aqoonsiga Soomaaliland

0

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah  ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan katirsan baarlamaanka UK oo u ololeenaya in la aqoonsado maamulka Somaliland .

Xildhibaan Gavin Williamson, oo katirsan baarlamaanka UK ayaa olole xoogan ugu jira aqoonsiga dowladnimo ee Somaliland, waxa uuna baarlamaanka UK  horgeeyay mooshin looga doodayay aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in in ololaha Xildhibaan Gavin uu muujinayo jaahilnimada ka heesata arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tilmaamay xildhibaanka mid horey ugu fashilmay shaqo loo igmaday.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga Ka Gudoomay Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.
Next articleShir Looga Hadlaayay Amniga Caabudwaaq oo Degmadaas lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here