Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Tan iyo Markii Lamagaacbay Maantay gaaray Xafiiskiisa

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Tan iyo Markii Lamagaacbay Maantay gaaray Xafiiskiisa

0

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maalmo kadib si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiskiisa oo ku dhax yaala wasaaradda gaashaandhiga.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaana xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka uu hogaaminayay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabaas Aamiin Cali.

Kulanka ayaa wasiir Jaamac kaga dhageestay taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha kale warbixin la xariirta ciidamada iyo sida ay u socdaan howlgalada ciidamada ka wadaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kula dar daarmay saraakiisha ciidanka dardar-galinta howlgaladda ka dhanka Al Shabaab iyo ka shaqeynta Horumarinta ciidanka xoogga Soomaliyeed.

Ad
Previous articleQodob ka mid ah Qodabadii Golaha Wadatashi Qaran Ku Heshiyeen oo Durbadiiba La Horgaliyay
Next articleGudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug oo Sheegay in Maxkamada lasoo Taagi Doono Ciidamadii Ku lug laha Dagaalki Guriceel(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here