Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka Hadlay hakadka ku yimid dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab

 Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay sababta ay u hakadeen dagaalladii ku furnaa kooxda Al-shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee dalka.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dagaalku uusan xabad kaliya aheyn, balse ay jiraan xeelado kale oo dowladdu ay isticmaaleyso.

Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC TV ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka oo markii hore ay ku biritaareysay shacabka hubka qaatay ee kacdoonka sameeyey.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay jiraan xeelado kale oo dagaalka ay dowladdu u adeegsaneyso, kuwaas oo sheegidooda uu ka gaabsaday.