Home Wararka Maanta Wasiirka Difaaca Kenya oo gaaray Kismaayo lana kulmay Axmed Madoobe (Sawirro)

Wasiirka Difaaca Kenya oo gaaray Kismaayo lana kulmay Axmed Madoobe (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabbad ilaalinta ee ATMIS ayaa saldhigyo ku leh deegaannada Jubbaland oo la filayo in dhawwaan ka bilowdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Qarax kulaysay Dad Saarnaa Moota Bajaaj iyo Khasaaro Xoogan oo Ka Dhashay
Next articleJamaahiirta Xuka Argentina oo Jawaab Ka Bixiyay Codsigii France Ee Ahaa in lagu celiyo ciyaartii Finalkii Koobka Aduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here