Home Wararka Maanta Jamaahiirta Xuka Argentina oo Jawaab Ka Bixiyay Codsigii France Ee Ahaa...

Jamaahiirta Xuka Argentina oo Jawaab Ka Bixiyay Codsigii France Ee Ahaa in lagu celiyo ciyaartii Finalkii Koobka Aduunka

0

Jamaahiirta Argentina ayaa markooda sameeyay afti qaab “Online” ah looga qayb qaadanayo oo lagaga jawaabayo midii dadka ree France ku codsadeen in lagu celiyo Finalkii Koobka aduunka ee toddobaadkii hore Qatar ka dhacay.

Codsigaas hore ayay jamaahiirta France sameeyeen afti saxeexyo badan heshay oo ay ku sheegayaan qaladaadkii xulkooda lagu sameeyay Finalkii Koobka aduunka iyo sida ay u tahay in lagu celiyo.

Mid kamida waxyaabaha ay ka cawdeen ayaa ah rigoorihii furitaanka ee Angel Di Maria loo dhigay iyo waliba in uu qalad Kylian Mbappe marka lagu galay ka horreeyay.

Muwaadin ree Argentina ah ayaa si cajiib ah uga jawaabay isagoo sameeyay afti uu ciwaan uga dhigay “France oohinta joojiya” isagoo dhinaca kale si xun ugu duray Kylian Mbappe oo hormoodka Les Bleus ahaa.

Qoraalka aftida Argentina raacsan ayaa odhanaya “Tan iyo markii aynu Finalkii Koobka aduunka guuleysanay, French-ku oohinta ma joojin iyagoo cabanaya oo aan aqbalin in Argentina hormoodka dunida tahay”.

“Codsigani wuxuu ku socdaa Frenchku inay oohinta joojiyaan oo ay aqbalaan in Messi yahay midka ugu fiican taariikhda Mbappe-na yahay wiilkiisa”

Ad
Previous articleWasiirka Difaaca Kenya oo gaaray Kismaayo lana kulmay Axmed Madoobe (Sawirro)
Next articleOdaayaashii Reer Xaaji Saleebaan ee Alshabaab Heshiiska Lasoo Galay oo Cadaado Shir Jaraaid ku Qabtay Xili Galmudug oo Amartay In la Xiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here