Home Wararka Maanta Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Safiirka Jabuuti

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Safiirka Jabuuti

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Rashiid Ibraahim, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Siihayaha Safaaradda Jabuuti ayaa u hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda, Mudane Abshir Cumar Jaamac, isagoo u rajeeyay inuu guul joogta ah ka gaaro howlaha loo igmaday , waxa uu bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga adag ee ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah.

Dhankiisa, Wasiir Abshir Cumar ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay garab-taagantahay Dowladda iyo Dadka Jabuuti, isagoo xusay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo muhiimadda ay leedahay iyo la gaarsiiyo iskaashi istiraatiijiyadeed oo manfac wadaag leh .

Ad
Previous articleTaliska NISA ee Gobalka Gedo iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo gaaray Heshiis
Next articleGolaha Wasiirada oo Caawa ka dooday Codsi uu soo Gudbiyay C/raxmaan C shakuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here