Home Wararka Maanta Wasiir Saaxbiib Dhow la ah Raysulwasaare Rooble Oo goordhow Xildhibaan loo Doortay

Wasiir Saaxbiib Dhow la ah Raysulwasaare Rooble Oo goordhow Xildhibaan loo Doortay

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka socota doorashada shan kursi oo kamid noqonaya kuraasta golaha shacabka ee lagu soo dooranayo Koonfur Galbeed.

Kursigii ugu horeeyay oo doorashadii ka dhacday oo sumadiisu aheyd Hop184 waxaa ku tartamay Wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya Xasan Cabdinuur Cabdi iyo musharax kale oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cali.

Kursigan oo natiijadiisa horey loo sii ogaa ayaa waxaa ku guuleestay wasiirka tamarka xukuumadda Soomaaliya Xasan Cabdinuur Cabdi oo helay 72-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Cabdullaahi oo isna helay 27-cod.

Doorashada ka socota magaalada Baydhabo ayaa inta badan ah kuwa natiijadooda lasii ogyahay , waxaana inta badan kusoo baxaya musharaxiin si gaar ah loo wato oo lala doonayo kuraastan.

Ad
Previous articleGeneral Xuud Oo Maantay imaanaaya Magaalada Muqdisho
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga Ka Gudoomay Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here