Home Wararka Maanta General Xuud Oo Maantay imaanaaya Magaalada Muqdisho

General Xuud Oo Maantay imaanaaya Magaalada Muqdisho

0

maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaro Jeneraal Abuukar Xuud oo hogaamiya ciidamo ku sugan duleedka magaalada Baladweyne oo si weyn uga soo horjeeday maamulka Hirshabelle uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Biixi oo wadahadal kula yeeshay magaalada Baladweyne ayaa ku qanciyay Jeneraal Xuud in uu la heshiiyo maamulka Hirsabelle iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Xuud ayaana aqbalay in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdiusho lana kulmo ,masuuliyiin katirsan dowlada federaalka uu ugu horeeyo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Sida aan wararka ku helnay Jeneraal Xuud ayaa la filayaa in uu heshiis rasmi ah la gaaro dowlada laguna qanciyo in uu ogolaado maamulka Hirshabelle iyo in Baladweyne doorasho ka dhacdo taa badalkeedana lacago iyo balan qaasyo kale loo sameeyo.

Jeneraal Xuud ayaa mudo sanad ka badan diidanaa maamulka Hirshabelle , waxa uuna diiday in gabi ahaan cagta soo saaro Baladweyne Madaxweyne Cali Guudlaawe oo marar badan isku dayay in  uu tago Baladweyne.

Ad
Previous articleDoorashadii Ugu Horaysay oo Maantay Dhacaysa Tan iyo Shirkii Golaha Wadatashi Qaran
Next articleWasiir Saaxbiib Dhow la ah Raysulwasaare Rooble Oo goordhow Xildhibaan loo Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here