Home Wararka Maanta Wasiir Roobow oo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay guuleysaneyso beesha Mudulood darteed

Wasiir Roobow oo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay guuleysaneyso beesha Mudulood darteed

0

Wasiirka cusub ee arrimaha diinta iyo awqaafta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadal ka jeediyey kulan ay beesha Mudulood kusoo dhaweeneysay xukuumadda cusub, ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay guuleysan doonto.

Sababta ayuu Mukhtaar ku sheegay inay Beesha Mudulood taageersan tahay xukuumadda cusub, islamarkaana ay quraan iyo faataxo la daba taagan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa salaamayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Mudulood ee gogoshaan sharafta leh dhigtay, aniga maanta waxaan dhihi karaa labada dhinacba waan ka tirsanahay, aniga Xamar xaafada 15 May ayaan ku qaan gaaray oo beesha ayaan ka mid ah, tan labaadna xukuumadda lasoo dhaweenayo ayaan ka mid ahay,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Runtii ilaahey baan u mahadcelineynaa, waxaan hubaa xukuumadda codadkii ugu badnaa ayaa lagu ansixiyey, mid kalana shaki iigama jiro xukuumad ay sidaan usoo dhaweeneyso beesha Mudulood ee gogoshaan u dhigtay ee quraankii lagu yaqaanay iyo faataxadiina ay la daba taagan tahay shaki ma jiro xukuumadda waa guuleysaneysaa.”

Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in isbadalka ka dhacay dalka ay tiir dhexaad u aheyd beesha Mudulood, wuxuuna sheegay in ururkii ay sameysay ee Badbaado Qaran ay ku badbaaday Soomaaliya oo dhan.

“Badbaado Qarankii ay beesha Mudulood sameysay waxaa ku badbaaday Soomaaliya oo dhan, waxaa ku badbaaday wadajirka maamul goboleedyada, maskiinkaan maxbuuska ahaa xataa waa ku badbaaday,” ayuu yiri Roobow.

Ad
Previous articleSarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda oo Goordhow lagu dilay Gaalkacyo
Next articleCiidamada Xoogga, Kuwa Galmudug iyo Hirshabeele oo degaan cusub kala wareegay Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here