Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Xoogga, Kuwa Galmudug iyo Hirshabeele oo degaan cusub kala wareegay Al-shabaab

Ciidamada Xoogga, Kuwa Galmudug iyo Hirshabeele oo degaan cusub kala wareegay Al-shabaab

0

Milateriga Soomaaliya ayaa saaka la wareegay degaanka Teedaan oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo ay mudooyinkan Maamulayeen Al-shabaab.

Afhayeenka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada ay saaka si nabadgalyo ah kula wareegeyn gacan ku heynta degaanka Teedaan kadib markii ay iskaga baxeen ururka Al-shabaab oo ka war helay duulaanka  ciidamada.

“Howlgal balaaran oo saaka ka dhacay Deegaanka Teedaan ee Degmada maxaas ayaa waxaa gacan ku haaynta deeganka lagala wareegay Argagixisada Al-shabaab oo halkaas ku dhibaateynayay shacabka soomaaliyeed Waxaana guulo wanaagsan laga gaaray Howl’galada ka socdo Gobalka Hiiraan Cadawgane Jab xoogan ayuu Marba marka ka dambeeyso la kulmayaa” ayuu yire Afhayeenka.

Todobaadyadii u dambeeyey ciidamada DF ayaa waday howlgalo ay kula wareegeen deegaano ku yaalla inta u dhexeysa Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.

Ad
Previous articleWasiir Roobow oo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay guuleysaneyso beesha Mudulood darteed
Next articleRaisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho ku tagay degaanka Soomaalida (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here