Home Wararka Maanta Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo Shaaciyay inuu Ka Haray Tartanka Maxdaxweynaha Soomaaliya

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo Shaaciyay inuu Ka Haray Tartanka Maxdaxweynaha Soomaaliya

0

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo soo saaray qoraal kooban ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro doorashada, isaga oo tilmaamay in uusan haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guuleysto.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in ololihiisa uu la xiriiray inuu toos ula hadlo shacabka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in qaabka dadban ay liddi ku tahay hamigiisa siyaasadeed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagaha faraha badan ee ku xeeran doorashada ay ka hor imaanayaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Go’aanka wasiirka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maanta ay ku egtahay diiwaan-gelinta doorashada madaxweynaha cusub oo ay isku diiwaan-geliyeen illaa 32 musharrax.

Ad
Previous articleUkraine oo Hubka Maraykanka u Qaadan karta amaah ama kiro.
Next articleBarakac Xoogan oo Ka Socda Guriceel iyo Ciidamo Lagu Daad Guraynaayo Magaaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here