Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qarax Saakay Ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Wararkii ugu Danbeeyey Qarax Saakay Ka dhacay Suuqa Bakaaraha

0

Jugta qarax aad u xooggan oo saakay laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka isgooska Bakaaraha, qaraxan ayaana dhacay xilligii salaada subax oo inta badan dadka ay hurdeen.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan dhacay oo ahaa nuuca miinada ayaa lagu xiray sandaqad la sheegay in lagu iibinayay waxyaabaha maanka-dooriya, taa oo taalay agagaarka isgooska bakaaraha.

Ciidamo katirsan booliiska oo ku sugnaa isgooska Bakaaraha ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro nafeed oo qaraxa ka dhashay.

Qaraxan lagu burburiyay sandaqada waxyaabaha maanka-dooriya lagu iibinayay ayaa dhacaya xilli Al Shabaab magaalada Muqdisho ka bilaabeen in ay dilaan dadka iibiya waxyaabaha maanka-dooriya iyo sidoo kale hoggaamiyaasha ciyaalka weerada.

Ad
Previous articleCiidankii ku sugnaa Isgooska Siinay oo Xabsiga la dhigay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay
Next articleDhaqaalaha Sweden oo hoos u dhacay aadna uga xun sidii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here