Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay jugtiisa si weyn loo maqlay , qaraxan ayaana la sheegay in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay meel ku dhaw koontarool ay ciidamada booliisa milataari inta badan ku baaraan dadka iyo gaadiidka .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in qaraxa uusan khasaaro kasoo gaarin askartii la doonayay in lagu waxyeeleeyo.

Qarax habeeno kahor ka dhacay degmada Kaxda ayaa lagu dilay askar katirsaneyd ciidamada booliiska sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay xasilinta ammaanka magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleInta Badan Deegaanada Puntland oo Saakay ay ka Bilaabatay Doorashada Qof iyo Cod
Next articleCiidmada Dowlada oo Howlgal Culus ka Sameeyey Degmooyinka Heliwaa Yaaqshid iyo Kaaraan iyo Hub lagu soo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here