Home Wararka Somaliya Puntland Inta Badan Deegaanada Puntland oo Saakay ay ka Bilaabatay Doorashada Qof iyo...

Inta Badan Deegaanada Puntland oo Saakay ay ka Bilaabatay Doorashada Qof iyo Cod

0

Gobalada Puntland qaybtood ayaa saaka oo khamiis ah ay ka bilaabatay cod bixinta Doorashada lagu muran-san yahay ee golayaasha deegaanka Puntland.

Doorashooyinkaan ayaa waxaa qaadacay ururada siyaasadda dhawr kamid ah waxayna ku tilmaameen ”kuwo looga dan leeyahay muddo kororsi”.

Xukuumadda Puntland ayaan ilaa haatan ka hadlin waxa ka danbeeya doorashooyinkaan iyada oo ay ka dhiman tahay muddada xilhaynta Dastuuriga ah ee, Said Abdullahi Deni dhawr bilood oo kaliya.

Shirwaynaha wadatashiga siyaasadda Puntland oo dhawaan Garowe kusoo dhamaaday ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashooyinkaan lagana heshiiyo.

Codbixinta dadweynaha 30, degmo oo katirsan Puntland ay codadkooda ku dhiibanayaan, si ay u doortaan cida ay masuuliyadooda ku aaminayaan.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wasiirkiisa koowaad ayaa sheegay in ay doorashadan burbur keenayso, laakiin shacabka ayaa beeniyey warkaas.

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen 3 degmo oo gobalka Nugaal, ka tirsan oo ay ka dhici lahaayeen doorashooyinka golaha degmooyinka.

Waxay sheegeen in ay qiimeeyeen xaaladda degmooyinkan, ayna waqti siiyeen dadaalada Isimadda, waxgaradka dhaqanka iyo in is afgarad looga gudbo tabashada jirtay, balse lagu guuldareystay.

1- Garoowe
2- Dangoroyo
3- Godobjiraan

Ad
Previous articleMareykanka oo liiska madow ku daray 26 Soomaali ah oo uu ku jiro Cali yare
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here