Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax goordhow Ka Dhacay Baladweyne

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax goordhow Ka Dhacay Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay halkaasi ka dhacay qarax miino oo khasaaro u geestay askar katirsan ciifanka booliiska Hirshabelle.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay wateen ciidan katirsan kuwa miino baarista ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana qaraxa la sheegay in uu ahaa miino gaariga lagu xiray, halka warar kalana sheegayaan in wadad dhinaceeda la dhigay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo la socday gaariga qaraxa lala eegtay, waxaana qaraxana ka dhacay xaafada Xaawo-Taako gaar ahaan meel ku dhaw laanta Nuur Xawaad.

Ciidamada booliiska maamulka Hirshabelle ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan la ogeyn natiijada kasoo baxday iyo cida lagu soo qabtay.

Ad
Previous articleDeni oo aan wali Soo Gaarin Muqdisho Xili maantay Shirka Wadatashi Qaran uu Furmaayo(Xog)
Next articleAlshabaab oo Dad shacab ah qarax kula beegsatay gobolka Baay iyo khasaaraha Ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here