Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo aan wali Soo Gaarin Muqdisho Xili maantay Shirka Wadatashi Qaran...

Deni oo aan wali Soo Gaarin Muqdisho Xili maantay Shirka Wadatashi Qaran uu Furmaayo(Xog)

0

Magaalada Muqdisho waxaa beri ka furmaya shir labo maalmood socon doona oo ay yeelanayaan Madaxda sare ee DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirka Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga, Siyaasadda, abaaraha ka jira dalka iyo khilaaf ka taagan qeybsiga deeq ka timid Bankiga adduunka.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu ka baaqday shirkan.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Mudug24 u sheegay in Madaxweyne Deni uu shirkaas kaga qeyb galayo aalada fogaan arraga isagoo ku sugan xafiiskiisa magaalada Garowe.

Baaqashada Deni ee shirka beri u furmaya madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ayaa dhaliyey tuhun badan, waxayna ku soo aadeysaa xili mudooyinkan ay jireen warar sheegaya Madmadow soo kala dhex galay Deni iyo Madaxweyne Xassan Shiikh.

 

Ad
Previous articleLaftagareen iyo Rooboow oo Muqdisho lagu Heshiinaayo(Xog)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax goordhow Ka Dhacay Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here