Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Maxamed Jeesow oo is daldalay

Wararkii Ugu Danbeeyey Maxamed Jeesow oo is daldalay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Maxamed Jeesow isku daldalay gurigooda oo kuyaalla xaafada Howl-wadaag.

Ehelada wiilkan ayaa sheegay in xalay xilli la doonayay in loo kiciyo suxuur la arkay isaga oo meyd ah isna daldalay, waxa ayna sheegeen in wiilkan aysan ku ogeyn xanuun dhinaca maskaxka ah in uu xarig qoorta gashtay iskuna dilay.

Wali lama oga waxa wiilkan dhallinyarada ah ku sababay in uu is dhaafiyo noloshiisa, waxa ayna eheladiisa sheegeen in aysan ku ogeyn wax dhibaato ah uuna salaada taraawiixda xalay soo dukaday.

Soomaaliya waxaa muddooyinkan dambe kusoo badanaya dadka is daldalaya, waxaana dhaqankan is daldalaada ah uu yahay mid aan looga baran dadka Islaamka ah lagana soo min guuriyay dad aan muslim aheyn.

Ad
Previous articleDowladda Britain oo Markii ugu Horaysay wadahadal la furtay Taalibaan
Next articlePuntland oo diiday Xilkii loo Magacaabay Madaxweynihii Hore ee Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here