Home Wararka Maanta Dowladda Britain oo Markii ugu Horaysay wadahadal la furtay Taalibaan

Dowladda Britain oo Markii ugu Horaysay wadahadal la furtay Taalibaan

0

Dowladda Britain ayaa shaacisay in wada xaajood la furtay maamulka Taalibaan ee haya talada dalka Afganistan, kaddib markii kooxdaasi xabsiga dhigeen saddex nin oo u dhashay dalka Britain.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay in wadahadal la fureen kooxda Taalibaan ee maamusha Afganistan, si ay u badbaadiyaan nolosha muwaadiniin British ah oo gacanta ugu jira kooxdaasi.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay ka shaqeenayaan bad-qabka muwaadiniintoona gacanta Taalibaan ku jira, waxa uuna xusay in ay sameenayaan dedaalo badan si ay xiriir ula sameeyaan muwaadiniintooda xiran.

Muwaadiniinta Britain u dhalatay ee gacanta ugu jira kooxda Taalibaan ayaa labo kamid ah waxa ay u xiran yihiin kooxdaasi ilaa bishii Janaayo, halka midka kale aan wali la ogeyn inta kooxdaasi gacanta ugu jira.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda oo howlgal kusoo furtay shacab u afduubnaa Alsdhabaab
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Maxamed Jeesow oo is daldalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here