Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Kooxo Bistoolada Ku Hubaysan oo Dilay Gudooomiye Maxamed shiikh

Wararkii Ugu Danbeeyey Kooxo Bistoolada Ku Hubaysan oo Dilay Gudooomiye Maxamed shiikh

0

Gudoomiyihii  Xaafada Xaashi-weer ee ka tirsan xaafadaha magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa caawa lagu dilay magaaladaas.

Marxuum Maxamed shiikh ayey wararku sheegayaan iney rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa hoygiisa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in marxuumka uu isla goobta ku dhintay, ayna baxsadeen raggii dilkaas fuliyey.

Ciidamada amaana magaalada Garbahaarey ayaa la sheegayaa iney xaafado ka tirsan magaalada ka wadaan caawa howlgalo baaritaan ah oo lagu baadi goobayo raggii dilka geystay.

Inkastoo aaney jirin cid sheegatay dilka masuulkan haddana kooxda Al-shabaab ayaa looga bartay beegsiga iyo dilalka masuuliyiinta maamulada hoos taga dowlada Somalia.

Ad
Previous articleWiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Dublin kaddibna Meydkiisa la qariyay
Next articleDowlada Federalka Oo Gargaar Deg-Deg Ah Gaarsiineysa Degmada Aadan Yabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here