Home Wararka Maanta Dowlada Federalka Oo Gargaar Deg-Deg Ah Gaarsiineysa Degmada Aadan Yabaal

Dowlada Federalka Oo Gargaar Deg-Deg Ah Gaarsiineysa Degmada Aadan Yabaal

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in dowladu ay gaarsiineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu talagalay 4000 oo qoys iyo daawooyin, isla markaana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Aadan Yabaal.

Ra’iisul Wasaaruhe Xamzz ayaa sidoo kale waxa uu dhagax-dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada oo si degdeg ah loo dhisi doono

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre meel fagaare ah oo ku taal degmada Aadan Yabaal kula hadlay dadweyne badan waxana uu sheegay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah iyo in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo iyo in lagu badbaadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ku tegey degmada Aadan Yabaal diyaar nooca qumaatiga u kaca ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiinta deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Kooxo Bistoolada Ku Hubaysan oo Dilay Gudooomiye Maxamed shiikh
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ciidamo Badan oo Dharcad ah kusoo Daadisay Degmooyinka Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here