Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Alshabaab oo Gadiid looga Gurtay Askar...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Alshabaab oo Gadiid looga Gurtay Askar Badana looga Laayay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay saakay fashiliyeen isku day weerar oo ay Al Shabaab ku soo qaaday deegaanka Masagawaay ee Gobalka Galguduud .

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si dhaw ula socdeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa isku diyaariyay fashilintooda, waxa ayna ciidamada si xirfad iyo geesinimo leh uga hortageen weerarkii Al Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay Inta uu socday hawlgalka fashilintu  ay ciidamada xoogga dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Al Shabaab, kuwaa oo ay sheegtay dowladda in meydadkooda kooxda ka carartay.

Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in weerarka Al Shabaab soo qaadeen ku qabsadeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen , sidoo kale ciidamada ayaa gubay mid kamid ah gaadiidkii Al Shabaab wateen.

 

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan Galmudug
Next articleDeni oo Cadeeyey Go,aanka Wixii Qodobadii kasoo Baxay Shirkii Golaha Wadatashi Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here