Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo Cadeeyey Go,aanka Wixii Qodobadii kasoo Baxay Shirkii Golaha Wadatashi Qaran

Deni oo Cadeeyey Go,aanka Wixii Qodobadii kasoo Baxay Shirkii Golaha Wadatashi Qaran

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntalnd, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii bishaan lagu gaaray gudaha xarunta Villa Soomaaliya.

Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan qayb ka ahayn go’aannada soo baxay oo ay ka maqneyd xilligii la gaarayay, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dalka loo wado meel qaldan, isla-markaana ay tahay sababta ay horay ugu diideen ka qayb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Puntland qayb kama ahan go’aanadii soo baxay, kuwii hore waxaa uga baaqsanay oo aan u saxiixi weynay waxaan aragnay in dalka meel qaldan loo wado,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Puntland ay u dhaqmeyso si madax bannaan, isla-markaana uu farayo Dastuurkeeda, sida uu ku dooday.

“Dastuurka Puntland waxaa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Saciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn uga soo horjeestay baabi’inta xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu horay ula wareegay guud ahaan shaqadii uu lahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

“Sida uu madaxweynuhu u dhaqmayay waa arkeynay wuxuu awal baabi’iyay awood qeybsigii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo awoodihiisa uu qaatay, haddana wuxuu yiri maba jiro” ayuu mar kale ka dhawaajiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay haddii la rabo in la xaliyo xasillooni la’aanta Soomaaliya in mar hore Somaliland ay miiska timaado oo xalka wadajir loo raadiyo.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Alshabaab oo Gadiid looga Gurtay Askar Badana looga Laayay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Xiliga Lasoo Afjaraayo Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here