Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Abaabul Dagaal oo ka socda Deegaano katirsan Gamudug(Sawiro)

Wararkii ugu Danbeeyey Abaabul Dagaal oo ka socda Deegaano katirsan Gamudug(Sawiro)

0

Abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab ayaa ka socda deegaano hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas ay isku aruursanayaan ciidamo katirsan dowladda iyo maleeshiyaad dadka deegaanka ah .

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya iyo odayaal dhaqan ayaa maanta gaaray deegaanka Cadakibir ,halkaas oo ay joogaan maleeshiyada is abuubulay oo isku aruursanaya in ay la dagaalamaan kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha iyo odayaasha gaaray deegaanka Cadakibir oo halkaasi kula hadlay maleeshiyaad badan oo hubka qaatay ayey ugu baaqeen in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo ka bilaabanaya gobolka Galgaduud.

Qaar kamid ah odayaasha iyo raga kale ee hubka qaatay ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal ay naftooda ku difaacayaan ay la galaan kooxda Al Shabaab , oo ay ku eedeeyeen in duullaan ku yihiin dadka iyo deegaankooda.

Degmada Baxdo iyo deegaano hoostaga ayaa maalmahan waxaa ka socda abaabul xooggan ay wadaan dadka deegaanka, kuwaa hubka u qaataan in  ay la dagaalamaan Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen in dhibaatooyin badan u geesteen.

 

Ad
Previous articleQandaraas lagu Bixinaayo shidaalka Soomaaliya oo la ansixiyey
Next articleDagaal culus oo mar kale ka dhax qarxay ciidamada Dalalka Armenia iyo Azerbaijan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here