Home Wararka Caalamka Dagaal culus oo mar kale ka dhax qarxay ciidamada Dalalka Armenia iyo...

Dagaal culus oo mar kale ka dhax qarxay ciidamada Dalalka Armenia iyo Azerbaijan

0

Dagaal culus ayaa mar kale ka dhax qarxay ciidamada dalalka Armenia iyo Azerbaijan, waxaana bur buray heshiis xabbad joojin ah oo horey dowladda Ruushka u kala dhax dhigtay ciidamada labada dal.

Ciidamada labada dal ayaa dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay dhax maray waxaa ku dhintay in ka badan 100-askari oo labada dhinac kasoo kala jeeda, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha intaasi kasii bato maadaama dagaalka wali socdo.

 

Labadan dal oo horey sannadkii 2020-kii dagaal culus u dhax maray ayaa isku heesta lahaanshaha gobolka Nagorno-Karabakh, waxaana gobolka degan dad kasoo jeeda Armeeniya halka Azebajiyan iyadu sheegato gobolkaasi.

Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa ku eedeesay ciidamada dalka Armenia in iyagu weerarka iyo dagaalka Talaadadii qarxay ka dambeeyeen, waxa ayna sheegeen in dagaalka ku dileen 50-askari oo kasoo horjeeday halka dhankooda ka dhinteen 49-askari.

Dowladda Ruushka oo horey labadan dal u dhax dhaxaadisay heshiis xabad joojin ahna kala dhax dhigtay ayaa mar kale kusoo baxay colaada labada dal, waxa uuna mar kale kala dhax dhigay heshiis jilacsan oo saacado kaddib haddana bur buray.

 

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Abaabul Dagaal oo ka socda Deegaano katirsan Gamudug(Sawiro)
Next articleGuddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilka ugala wareegay ballan-qaad culusna u sameeyey shacabka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here