Home Wararka Somaliya War Hada Ah: Dagaal ka Socda Gobolka Galgaduud oo u Dhexeeya Galmudug...

War Hada Ah: Dagaal ka Socda Gobolka Galgaduud oo u Dhexeeya Galmudug iyo Shabaab

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Deegaanada Sino-dhaqo iyo Labidulle uu ka socda Dagaal xoogan kadib Weerar Ciidamada Galmudug kuwa Dowladu halkaasi ku qaadeen Saaakay gaar ahaan Meelo Alshabaab Fariisimo ku lahaayeen.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka uu yahay mid xooggan , islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Alshabaab Weerarka Saaka ku qaaday ayaa ah Guutada 15aad ee Qaybta 21aad.

Wali lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dagaalka hogaaminaya saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo war kasoo saartay Duqeynta Mareykanka uu ka Geestay Deegaanada Galmudug
Next articleDiyaarad rakaab ah ayaa ku soo dhacday degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here