Home Wararka Maanta Diyaarad rakaab ah ayaa ku soo dhacday degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

Diyaarad rakaab ah ayaa ku soo dhacday degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

0

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka diyaarad sidday rakaab oo kasoo amba-baxday magaalada Nairobi ay shil ku gashay garoon diyaaradeed oo ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana jira khasaare soo gaaray.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhaawacmay illaa 7 qof, halka ay waxyeelo soo gaartay diyaaradda, kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in garoonka ay diyaaradda shilka ku gashay uu ahaa mid xirnaa sanadihii lasoo dhaafay, balse duuliyaha uu si deg deg ah uga dajiyey diyaaradda halkaasi, kadib markii ay soo wajahday cilad xoogan.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Gedo ka bixiyey shilkaasi diyaaradeed iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay intaba.

Ad
Previous articleWar Hada Ah: Dagaal ka Socda Gobolka Galgaduud oo u Dhexeeya Galmudug iyo Shabaab
Next articleR/w Khayre oo la kulmay Dhalinyarada Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here