Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan foolka fool ah, balse ay ku wehlin doonaan qaar kamid ah madaxda kale ee gobolka.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa xaqiijiyay kulanka labada mas’uul, wuxuuna ka sheegay magaalada Arusha ee Tanzania oo ay hadda wada joogaan isaga iyo Xasa Sheekh.
William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ay qorsheynayaan in ay yeeshaan kulan ay ku yareynayaan xiisadaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda u dhexeyso Muqdisho iyo Addis Ababa.
Kulankan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xal u helida xiisada Soomaaliya iyo Itioobiya oo kala tegay, kadib heshiiskii uu Abiy horraantii sanadkan la galay maamulka Somaliland.
Ma cadda xilliga uu qabsoomayo kulankan oo uu xaqiijiyay madaxweynaha Kenya, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafkooda oo saameyn ku yeeshay labada dowladood.
Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga biyo diiday in la kulmo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaga oo shuruud ku xiray in marka hore uu ka laabto heshiiska badda, lamana iga waxa haatan isbeddalay ee soo dadajiyay kulanka labada mas’uul.