Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Tirada Ganacsatada Muqdisho Loogu Dilay Camerada CCTV Darteed oo La shaaciyay

Tirada Ganacsatada Muqdisho Loogu Dilay Camerada CCTV Darteed oo La shaaciyay

0

Warbixin dheer oo kasoo baxday  Xarunta Afrika ee Daraasaadka Rabshadaha iyo Kooxaha Hubeysan (ACLED) ayaa waxaa looga hadlay beegsiga ay Al-Shabaab ku hayaan ganacsatada Muqdisho, kadib xirashadii kaamirooyinka.

Xarunta ayaa diiwaan-gelisay ugu yaraan illaa 10 weerar oo lagu beegsaday ganacsato, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Warbixinta ACLED ayaa waxaa lagu sheegay in laga soo bilaabo Oktoobar illaa dabayaaqadii Noofembar ay dhaceen ugu yaraan 23 weerar oo guud ahaan, kuwaas ayaa lagu qaaday dad rayid ah, taasoo keentay 37 dhimasho ah.

Sidoo kale weerarada ayaa curyaamiyay xaafado muhiim ah, iyadoo goobaha ganacsiga degmooyinka qaarkood laxiray, cabsi laga qabo in loo beegsado kaamirooyinka ay xirteen.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu horay usoo rogtay amarka xirashada kaamirooyinka ee keenay beegsiga ganacsatada, waxaa kadib ay dhibanayaal u noqdeen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda deggan, inkastoo weli Al-Shabaab ay sii waddo beegsiga xarumaha lagu xiray kaamirooyinka ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Xasan Shiikh iyo Abiya Axmed oo Mardhow Kulmaaya
Next articleXildhibaan Firinbi oo Warqad laga Dhigay Garoonka adan Cade