Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Qarax Culus oo goordhaw ka dhacay gudaha...

WAR DEG DEG AH: Qarax Culus oo goordhaw ka dhacay gudaha xarunta Degmada Dayniile

0

Wararka aan ka heleyno degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw qarax dhaliyay khasaaro kala duwan uu ka dhacay gudaha xarunta degmada Dayniile .

Qaraxa ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qaraxy gudaha xarunta, waxaana gaariga qaraxa lagu xiray lahaa nin dhallinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdisamad Cabdiwahaab .

Inta la xaqiijiyay milkiilaha gaariga qaraxa lagu soo xiray iyo nin kale oo la socday ayaa ku dhaawacmay, waxaana loola cararay dhaawacyada isbitaal kuyaalla magaalada Muqdisho oo lagu daweenayo.

Maamulka degmada Dayniile iyo laamaha amniga magaalada Muqdisho ayaan ka hadlin qaraxan ka dhacay degmada Dayniile, waxa ayna maamulkka degmada aan la xariirnay noo sheegeen in ay wadaan baaritaano.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha xarunta degmada Dayniile, waxaana horey qaraxyo miino uga dhaceen laamiga dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, kuwaa oo lala beegsaday saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ciidamo Badan oo Dharcad ah kusoo Daadisay Degmooyinka Magaalada Muqdisho
Next articleLaba Maleeshiyo Beeleed oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here