Ciidanka Ahlu-suna ee ku sugan Magaalada Guriceel ayaa loo qabtay labo saacadood kadib waan waan ay sameeyeen Masuuliyiinta Galmudug ee Dowlada Somaliya ka tirsan.
Ahlu-suna oo garab ka wayday dhamaan Siyaasiyiin iyo Bulsho ayaa khasaaro xogoan kala kulmay dagaalka maanta ka socda magaalada taasi oo keentay in Awood ahaan soo daciifaan.
Sida mudug24 heshay waxaa lagu dhawaaqay labo saacadood oo xabad joojin ah taasi oo salka ku heysa in ragaan ka baxaan magaalada Guriceel.
Su’asha meesha taalla ayaa ah hadii ay ka baxaan magaalada Xagee u baxayaan madama Galmudug looga diiday in ay ku sugnaadaan.
Lasoco wararkeena joogtada ah.
Isha Wararka Galmudug mudug24.com
Ad