Home Wararka Somaliya Magacyada: Saraakiisha Ahlu-suna ee la Qabtay iyagoo Dhaawac ah oo loo wado...

Magacyada: Saraakiisha Ahlu-suna ee la Qabtay iyagoo Dhaawac ah oo loo wado Gaalkayco

0

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa gacanta ku dhigey Dhaawacyada saraakiil katirsan ciidamada kooxda Ahlu Sunna oo ku dhaawacmay dagaalka ka socda Guriceel.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dhaawacyada saraakiishan la qabtay si qarsoodi ah loogu sii waday magaalada Gaalkacyo si halkaasi loogu daweeyo dhaawacyadooda .

Saraakiishan dhaawaca ah ee la qabtay ayaa la sheegay in ay hogaaminayeen Ciidamada Ahlu Sunna ee ka dagaalamaya Guriceel , waxaana magacyadooda lagu sheegay Cali Xade, Cali Faarax iyo Maxamuud tashade.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawacyada saraakiishan katirsan Ahlu Sunna ee la qabtay in loo gudbiyay Isbitaalka magaalada Dhuusomareeb halkaas oo lagu ilaalinayo.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa horey dagaalka Guriceel ugu qabtay saraakiil iyo ciidamo u dagaalamayay Ahlu Sunna kuwaa oo iyana loo qaaday Dhinaca magaalada Dhuusomareeb.

Ad
Previous articleWar deg deg Ah: Labo Saacadood oo Xabad joojin ah oo Ahlu-suna loo Sameeyay
Next articleTaliyihii Ciidamada Haramcad ee Galmudug oo dhaawac Soo gaaray u geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here