Home Wararka Maanta Xabsi 18 Sano oo Lagu Xukumay Ninkii Weeraray Ilhan Omar

Xabsi 18 Sano oo Lagu Xukumay Ninkii Weeraray Ilhan Omar

0

Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa 14 bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay inuu weeraray Ilhan Omar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Anthony James Kazmierczak, oo 55 jir ah, ayaa Khamiistii qirtay dambiga weerarka, isaga oo sheegay inuu si qorshaysan u beegsaday xildhibaanadda intii lagu guda jiray kulan ay dadweynaha kula yeelanaysay Minneapolis 27-kii Janaayo 2026.

Kazmierczak ayaa qirtay in weerarka uu salka ku hayay aragtiyo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday Ilhan Omar.

Xilliga weerarka, Kazmierczak oo fadhiyay safka hore ee goobta kulanka ayaa si lama filaan ah ugu booday xildhibaanadda, isaga oo ku buufiyay dareere ka kooban khal tufaax ah, kaas oo gaaray dharkeeda iyo maqaarkeeda.

Muuqaallo laga duubay dhacdada ayaa muujiyay ninka oo ku qeylinaya “waa inaad iscasishaa”, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay Ilhaan inay kala qaybinayso gobolka Minnesota.

Ad