Home Wararka Caalamka Mohamed Abdukardir Ali oo Taariikh Cusub Dhigay isagoo ku biiray Barlamaanka Sweden

Mohamed Abdukardir Ali oo Taariikh Cusub Dhigay isagoo ku biiray Barlamaanka Sweden

0

Stockholm, Sweden: Maxamed Cabdulqaadir Cali, oo 30 jir ah, ayaa ku guuleystay inuu Baarlamaanka Sweden ka galo Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet) kadib markii uu gobolka Dalarna ka helay 648 cod oo shaqsi ah, inkastoo uu xisbiga ku jiray Wax ka yar hal sano isla markaana uusan horey u qaban xil siyaasadeed.

Sida uu Qoray wargeyska Expressen, Cali wuxuu laba sano ka hor waayay codsigiisii jinsiyadda Sweden, kadib markii loo diiday sababo la xiriira deymo lagu lahaa. Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa bishii Febraayo ee sanadkan siisay jinsiyadda Sweden.

Cali wuxuu markii hore kaalinta sagaalaad kaga jiray liiska musharraxiinta Xisbiga Bidixda ee Dalarna, balse wuxuu helay 648 cod oo shaqsi ah. Tiradaas ayaa ka badan 300 cod intii ay heshay Kaisa Fridholm, oo ahayd musharraxa ugu sarreeyay liiska.

Arrintaas waxay sababtay in Fridholm, oo xisbiga u qaabilsan arrimaha siyaasadda cimilada, ay weydo kursigii Baarlamaanka ee ay heshay doorashadii 2022. Xisbiga Bidixda ayaa guud ahaan helay 30 kursi oo Baarlamaanka Sweden ah.

Mats Hamarkvist, oo ah hoggaamiyaha kooxda Xisbiga Bidixda ee Borlänge, ayaa sheegay in Cali uu yahay qof xisbiga ku cusub, isla markaana uusan si weyn uga dhex muuqan siyaasadda deegaanka.

Ad