Home Wararka Somaliya Galmudug Wafdi Culus oo Maantay Gaaray Degmada Hobyo(Sawiro+Ujeedada)

Wafdi Culus oo Maantay Gaaray Degmada Hobyo(Sawiro+Ujeedada)

0

Wafdi ka socda hay’adaha gargaarka ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxa ayna kormeer ku tageen xeryada Barakacayaasha iyo goobo kale, sidoo kale wafdigan ayaa kulan la qaatay maamulka degmada iyo hay’adaha NGO ka howlgala degmada Hobyo.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Faat iyo masuuliyiin kale ayaa ku wehlinayey wafdigan kormeerka loogu kuurgalayey xaaladda saameynta abaaraha ee bulshada degmada Hobyo.

Degmada Hobyo iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn ku yeelatay dad iyo duunyo.

Ad
Previous articleShiikh Shantaay oo goordhow Xabsiga la Dhigay
Next articleMo Faarax hooyadii oo ka hadashay dareenkeeda kadib markay is heleen wiilkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here