Home Wararka Maanta Waa kuma la taliyaha Amniga Qaranka Xasan Sheekh ee beddelay Fahad Yaasiin?

Waa kuma la taliyaha Amniga Qaranka Xasan Sheekh ee beddelay Fahad Yaasiin?

0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La-taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa horey u soo noqday La taliyihii Amniga ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa bedelaya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo tan iyo bishii September ku magacawnaa La-taliyaha Amniga Qaranka.

Haddaba waa Kumaa Xuseen Macallin Maxamuud?

Xuseen waxuu heystaa shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Master-ka ee Arrimaha Amniga iyo Sirdoonka.

Xuseen waa shaqsi si istraatejiyad leh u fikira, waxuuna qoray Istraatejiyada La dagaalanka Argagaxisada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxuu qoray Istraatejiyada iyo siyaasada dalka ee dib-u-heshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo Al-Shabaab.

Xuseen waxuu hormuud ka ahaa abuurista Xarunta Warbixinta Maaliyada ee Financial Reporting Center (FRC).

Xafiiska Madaxtooyada ka hor Xuseen wuxuu muddo 4 sano ka badan ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA

Ad
Previous articleDilka Gaalkacyo: ‘Isagoo hurda ayaan u tagnay ninka dilay labadiisa wiil’
Next articleMaamulada Galmudug iyo Koonfurgalbeed oo xaalku ku Xunyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here