Home Wararka Somaliya Galmudug Dilka Gaalkacyo: ‘Isagoo hurda ayaan u tagnay ninka dilay labadiisa wiil’

Dilka Gaalkacyo: ‘Isagoo hurda ayaan u tagnay ninka dilay labadiisa wiil’

0

Taliska booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo dil ah oo nooceeda uu dhif yahay, taasoo ku saabsan nin carruurtiisa dilal u gaystay.

Falkan oo ay saraakiisha booliska ku tilmaameen mid naxdin leh ayaan la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay, inkastoo la isla dhex marayo in uu jiray khilaaf u dhaxeeyay ninka carruurta dhalay iyo xaaskiisa.

Carruurta la dilay ayaa ahaa labo wiil oo ay da’doodu ka yarayd 12 sano.

Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, oo BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay lasoo wargeliyay kaddib markii carruurta la waayay.

Markii uu wiilasha dilay wuu seexday

Taliyaha booliska ee la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ninka eedeysanaha ah. Waxa uu sidoo kale ka war bixiyay marxaladdii ay ugu tageen goobta.

“Boolisku markii ay guriga tageen waxay la kulmeen isagii oo qolka carruurta ku dilay qolkii kalena hurda. Waxaa loo tagay isagoo jiifa oo si caadi ah u hurdaya,” ayuu yiri Muumin.

Ad
Previous articleCaruur Farabadan oo lagu Laayay iskuul ku yaala Maraykanka
Next articleWaa kuma la taliyaha Amniga Qaranka Xasan Sheekh ee beddelay Fahad Yaasiin?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here