Home Wararka Somaliya Somaliland Waa kuma Cabdirisaaq Khaliif, guddoomiyaha sida adag uga hadlay xaaladda Laascaanood?

Waa kuma Cabdirisaaq Khaliif, guddoomiyaha sida adag uga hadlay xaaladda Laascaanood?

0

Waxaa dhowaan lagu dhowaaqay natiijada codbixinta golaha wakiilada Somaliland, waxaana kusoo baxay Cabdirisaaq Khaliif oo loo doortay guddoomiyaha. Waxa uu heley 42 cod, halka Yaasiir Faratoon oo la tartamayay uu heley 39 cod.

Haddaba halkan ka akhriso taariikhda Mudane Cabdirisaaq Khaliif.

Taariikhda Cabdirisaaq Khaliif

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas.

Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya.

Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda.

Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa.

Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska.

Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya.

Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani.

Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani.

Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani.

Waxaana uu sannadkan xildhibaannadii cusbaa eee golaha wakiillada uga soo baxay gobolka Sool, isaga oo haatanna u tartamaya Guddoonka Aqalkaas.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dilay Mid ka Mid ah Ciyaal Weerada Xili ay Dhawaan Shaaciyeen inay Layn Doonaan
Next articleAlshabaab oo Dilal Layaab leh ka Bilaabay Muqdisho Dilayna ku Dhawaad Lix Qof wax ka Yar 24saac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here