Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dilay Mid ka Mid ah Ciyaal Weerada Xili ay Dhawaan...

Alshabaab oo Dilay Mid ka Mid ah Ciyaal Weerada Xili ay Dhawaan Shaaciyeen inay Layn Doonaan

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cabduqaadir Carab, kaa oo caan ka ahaa deegaanka lagu dilay.

Goobta dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, kuwaa oo baaritaano aan natiijo kasoo bixin ka sameeyay goobta oo la sheegay in mar hore isaga baxsadeen ragii dilka geestay.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada dilka ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxa ayna Al Shabaab sheegeen ninkan ay dileen in uu katirsanaa horjoogayaasha ciyaalka weerarada.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ee lagu baahiyay barahooda ayey sidoo kale ku sheegeen ninkan ay dileen uu kamid ahaa dadka sida weyn uga ganacsada maandooriyaha loo yaqaan xashiishka iyo taabuuga.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Al Shabaab ee ku aadan ninkan ay dileen in uu katirsanaa ciyaalka weerarada sidoo kale ka ganacsan jiray maandooriyaha, waxa uuna dilkan imaanayaa xilli Al Shabaab u hanjabeen ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.

Ad
Previous articleDuq Magaalo iyo dad kale oo badan oo loo xiray Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga
Next articleWaa kuma Cabdirisaaq Khaliif, guddoomiyaha sida adag uga hadlay xaaladda Laascaanood?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here