Home Wararka Caalamka Uganda oo Qaramada madoobey ujeedisay codsi ku saabsan amniga Soomaaliya

Uganda oo Qaramada madoobey ujeedisay codsi ku saabsan amniga Soomaaliya

0

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Geeska Afrika, si ay u dhistaan awoodda ay ku maareyn karaan ammaanka.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada mas’uul ayaa waxay ku sheegeen inay bogaadinayaan taageerada golaha ammaanka ee dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, balse waxay ugu baaqeen hay’adda Qaramada Midoobay inay ka fiirsato qaadista cunaqabateynta hubka si dalka Soomaaliya uu u guto mas’uuliyadda amni ee saaran.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tan iyo isniintii u jooga dalka Uganda booqasho saddex maalmood ah, isagoo wada hadallo laba geesood ah kula yeeshay aqalka madaxtooyada ee Entebbe, madaxweynaha Uganda.

War-murtiyeedka laga soo saaray wadahadalka kaddib oo ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Gen Abubaker Jeje Odongo iyo dhiggiisa Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayay ku gaareen heshiis is afgarad ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal
Next articleDEG DEG: Masuul Dhawaan ka Badbaaday Qarax lagu Weerary oo Goordhow Qarax ismiidaamin ah lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here