DEG DEG: Masuul Dhawaan ka Badbaaday Qarax lagu Weerary oo Goordhow Qarax ismiidaamin ah lagu Dilay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari uu watay mas’uulkaasi, waxaana la soo wariyey in uu ku dhintay weerarkan oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday mootada nooca loo yaqaano Feken-ta, taas oo lagu dhuftay gaari uu watay marxuumka.