Home Wararka Caalamka TPLF oo sheegtay in afar jiho ay ka soo weerareen ciidamada Eritrea...

TPLF oo sheegtay in afar jiho ay ka soo weerareen ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya

0

Ciidamada gobalka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeyay dwoladda iyo xulufadeeda deriska ay yihiin ee Eritrea inay gobalka ku qaadeen weerar ballaaran gaarahaanna waqooyi-galbeed.Hadalkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay sheegtay dowladda Itoobiya in ciidamada Tigray ay ballaariyeen dagaalka oo ay gaarsiyeen xadka Sudan.

Beesha caalamka ayaa ku baaqday in la soo afjaro rabshadaha soo cusboonaaday.Dagaalka Itoobiya ayaa ku baahay jiidaha hore tan iyo markii xabd joojintii shanta bilood ah ay burburtay toddobaad ka hor.

Saraakal sare oo ka soo jeeda gobalka Tigray ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in weeararda cusub ay yihiin kuwo iyaga ka dhan oo looga soo qaaday dhowr jiho.

BBC-du ma xaqiijin karto sheega-shooyinkaan dowladdana Itoobiya-na ilaa iyo hadda war kama soo saarin arrintaan.Tan iyo markii rabshadahaan soo cusboonaadeen waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo,iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken uu sheegay in colaaddaan ay aad uga walaacsanyihiin.

Labada dhinac ee ku dagaallamaya Itoobiya waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan wadahallo nabdeed oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ,balse taasi meesha kama saarin in xabaddu istaagto.

 

 

Ad
Previous articleIsbadal Wayn oo La Filaayo inuu Dhaco Maantay Xili Golaha Wasiirada Shir Yeelanayaan(Xog)
Next articleMaxa kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya Ee Maantay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here