Home Wararka Maanta Thailand oo war kasoo saartay nin dilay 38 Caruur ah oo ku...

Thailand oo war kasoo saartay nin dilay 38 Caruur ah oo ku sugnaa goob Xanaanada Caruurta

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Nin hubeysan oo dugsi xanaano oo ku yaala waqooyiga Thailand ku laayey ugu yaraan 38 qof oo u badan caruur yar yar.

Ninkan oo falkaan ka gaystay magaalada Utthai Sawan ayaa ahaa sarkaal hore oo boolis ah kaasoo laga eryay shaqada waxaana uu wajahayay maxkamad ku saabsan eedo la xiriira waxyaabaha maanka-dooriya.

Iskuulka weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inuu la soo galay qori iyo mindi, wuxuuna si toos ah u weeraray macallimiin iyo carruur goobta ku sugnaa.

Intaasi kadib ayuu gaari ku baxsaday, isagoo dhowr qof ku jiiray xilli uu kusii jeeday hoygiisa, halkaasoo uu ku dilay, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ka hor inta aanu isagu is dilin.

Dowladda Thailand ayaa sheegtay in xasuuqaasi uu sababay murugo soo wajahday guud ahaan shacabka dalkaasi.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo ku dhowaad 20 dagaalyahan ku dilay Tuulada Muryaale (Sawirro)
Next articleXasan Daahir Aweys oo ka hadlay Dilka loo geestay Wiilkiisa iyo Cida ka danbeesay Dilkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here