Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo ku dhowaad 20 dagaalyahan ku dilay Tuulada Muryaale (Sawirro)

Ciidamada Dowlada oo ku dhowaad 20 dagaalyahan ku dilay Tuulada Muryaale (Sawirro)

0

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in 19 ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa degmooyinka Basra iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Howlgalkan ayaa yimid ka dib markii laga war helay in dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

“Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah howlgalo uga sameeya inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ay alshabaab ka saareen degaanka Basra oo kooxdan ay ku laheyd maxkamad iyo farsiisin weyn.

Ad
Previous articleGabar Soomaaliyed oo iska soo tuurtay Dhismo Dabaq ah Gudaha Turkiga
Next articleThailand oo war kasoo saartay nin dilay 38 Caruur ah oo ku sugnaa goob Xanaanada Caruurta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here